Home Warar Sawiro:Xaqsiin Caruurta Agoonta Ee Ciidan Xoga Oo Bilabatay

Sawiro:Xaqsiin Caruurta Agoonta Ee Ciidan Xoga Oo Bilabatay

56

Taliska 21-aad oo Fulinaya Qorshaha Xukuumada ee Ku Saleysan Bixinta Xuquuqda Agoonta Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Maanta Bilaabey Wajiga Koowaad ee Nidaamka Dhaxal Koobka kaa oo Suurta Galinaya In Xuquuqda la Siiyo Agoonta Waalidkooda Ku waysey Difaaca Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed

Abaanduulaha Qaybta 21-aad G/Le Aadan Siyaad Cabdi ayaa Cadaado ka Daah Furay Howshan waxaana Goob joog ka ah Saraakiil Sare oo ka Tirsan Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida Gaar ahaan Gudoomiyaha Maxkamada Ciidanka Q27-aad Dhamme Maxamed Amiin Aadan iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamada Ciidanka Dhamme Maxamed C/Qaadir Maxamed oo Howlo Shaqo u Jooga Xarunta Taliska ee Magaalada Cadaado

Dowlada Soomaaliyeed oo Ahmiyad gaara siineysa Dhismaha Ciidanka Qalabka Sida ayaa Meel wanaagsan Marineysa Hab raaca Diiwaan Galinta Ciidanka iyadoo Bixinta Xuquuqda Agoonta Ciidanka ay Qayb muhiima ka Tahay Qorshaha Bixinta Xuquuqaadka Ciidanka oo Dowladu Ku Guuleysatey .