Warar Madaxbanaan oo Ay Helayso Idaacada Codka Gobolada Dhexe Ee Magaalada Cadaado Ayaa Sheegaya In Kulamo Saacadihii la soo dhaafay waxa socday Magaalada Muqdisho Xalna loogu raadinayay khilaafka Guddoonka Golaha Shacabka,kaas oo sababay in ay hakadaaan Shaqooyinkii Golaha Shacabka.
Kulamada oo ahaa kuwa xiriir ah ayaa Saxaafadu banaan joog ka aheyd,hayeeshee Xubno ka mid ah guddiga xalinta khilaafaadka oo iskood isku-xilqaamay ayaa waxa ay shaaciyeen in la xaliyay khilaafkii.
Gudoomiyaha Guddiga xalinta khilaafkan Xildhibaan Abdirashid Mohamed Xidig ayaa sheegay in Xildhibaanada Golaha Shacabka uu ku wargelinayo in xal iyo is afgarad ka gaareen wixii khilaaf ahaa ee soo kala dhex galay Guddoonka Golaha.
Waxa uu Xildhibaanka Shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday inay gacan ka geystaan kala aragti duwanaanshaha mar walba soo kala dhex gala Guddoonka Golaha Shacabka.
Khilaafka Guddoonka Golaha Shacbaka ayaa kasoo bilaawday kadib markii Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka uu kala diray Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Cabduweli Muudeey halka Guddoomiyaha Golaha oo taasi qaadacay.