Shir Jaraa’id uu ku qabtay Magalada Muqdisho ayaa waxa uu ku sheegay in dowladda uu ka tirsan yahay aysan jirin meel lagu go’aamiyay in la farageliyo Maamulada dalka ka jira gaar ahaan Maamulka Koonfur Galbeed.
Wasiirka Howlaha guud iyo Guriyeynta ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdi fitaax Ibraahim Geeseey Ayaa Sheegay In aysan jirin meel lagu go’aamiyay in doorashadaIn  laga reebo lana soo xiro Muwaadin Koonfur Galbeed u dhashay oo ah Muqtaar Roobow.
Waxaa Intaasi Raaciyay In dowladda Federaalka Soomaaliya ay diiday inay wadatasho arrimahaas kala tashato Mas’uuliyiinta,xildhibaanada iyo wasiirada Aayaha iyo Danaha dadka Reer Koonfur Galbeed lana hareer maray Dastuurka dalka.
Ugu dambeyn Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed ayuu ugu baaqay inay ka Shaqeeyaan Nabada,isla markaana adkeeyaan,waxaana Cabdi Fitaax Geeseey uu ka mid yahay Xildhibaanada Golaha Shacbaka.