Tuesday, March 18, 2025
HomeWararSAWIRO:-War-Murtiyed Shirka Ganacsiga Somaliya Ee Garowe Lagu Soogaban Gabeeyay

SAWIRO:-War-Murtiyed Shirka Ganacsiga Somaliya Ee Garowe Lagu Soogaban Gabeeyay

Rugta Ganacsiga Qaranka, oo ah gole ay ku midaysanyihiin rugaha ganacsiga maamulgoboleedyada iyo Rugta Ganacsiga Gobolka Banadir, waxaa Garowe ugu soo dhammaaday shir ay ku dhanyihiin guddoonka Rugaha Ganacsiga ee dalka. Shirkan oo soconayey bisha May 1–deeda ilaa 2–deeda, waxaaujeeddadiisu ahayd sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya rugaha loona horumarin lahaa ganacsiga gaarkaloo leeyahay.

Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha oo ay xubno ka yihiin ganacsatada Somaliyeed noocyadooda kala duwan,waxaa ka go‘an horumarinta ganacsiga dalka. Sidaa darted, arrimaha shirkan xoogga lagu saaray waxaa ka midah suuq geynta wax–soo–saarka dalka, iyo sidii shirkadaha Soomaaliyeed uga qayb–geli lahaayeencarwooyinka iyo bandhigyada lagu qabto suuqyada heer gobol iyo heer caalamiba.

Waxaa kale oo arrimaha shirka looga hadlay ka mida ahaa sida nidaamka dowladeed ee dalka (heer federal iyomid maamul goboleed) iyo Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha iskaga kaashan lahaayeen sidii ganacsatadaSoomaaliyeed ay ula falgali lahaayeen nidaamka ganacsi ee heer caalami.

Kadib wadatashi qoto dheer oo lagu falanqeeyey arrimaha kor ku xusan, waxaa hoggaanka Rugta ganacsigaQaranka, Rugaha Maamul Goboleedyada iyo rugta ganacsiga Gobolka Banadir guddoomiyeen:

  1. Mideynta noocyada shahaadooyinka rugaha ganacsigu bixiyaan sida :–B shahaadada

unkidda (certificate of origin), shahaadada xubunimada shirkadaha, iyo cardka aqoonsiga rugaha.

  1. In Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha iyo daneeyayaasha Soomaaliya iska kaashadaan

horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, iyo arrimaha gargaarka aadamaha.

  1. In Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya ay hormuud u noqoto hagidda

wadatashiga horumarineed iyo maalgashi ee uu dhexeeya ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo ha‘aydahadawliga ah (PPD).

  1. In shirkadda gaarka loo leeyahay ee Asal Consulting ay kala shaqayso Rugta Ganacsiga

iyo Warshadaha Soomaaliyeed horumarinta iyo tayaynta rugaha ganacsiga ee dalka.

  1. Xoojinta habsami u socodka hawlaha shaqo ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha

Soomaaliyeed.

GALMUDUG CHAMBER OF COMMERCE A INDUSTRI CHAMBER

BLIGNAL

Jubaland

PUNTLAND CHAMBER OF COMMERCE AND INDUSTRIES

Southwest State of Somalia

HIIRSHABELLE

SOMALI

  1. In Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya soo qabanqaabiso

dhammaadka bisha June, 2019 madal wadatashi oo lagugorfeeyo horumarinta dhaqaalaha dalka laguna martiqaado daneeyayaasha Soomaaliya gudaha iyo dibaddaba.

  1. In Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaliya simug leh uga qaybqaadato

pomidda shirka maalgashiga Puntland, ee dhacaya bishaAugust 2019.

  1. In shirkadda Adeegsan loo xilsaaro diyaarintabuugga kheyraadka dalka iyo buugga

fursadaha ganacsi ee dalka.

Haddaba Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyawaxay ku baaqaysaa:

  1. In hay‘adaha dawladdu dib u nooleeyaancarwooyinkii iyo banddhigiyadi ganacsiga

dalka, dibna u hawl geliyaan carwada qaranka si loo xoojiyo koboca ganacsiga iyo wax

soo saarka dalka. 2. In la aas–aasso sanduuq lagu hormarinayo ganacsatada yaryar ee dalka.

Sidoo kale Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya waxay soo dhaweyneysaa

  1. In dalka laga hirgeliyo heshiisyada lagu hormarinayo ganacsiga iyo ilaha dhaqaale ee

dalka, sida aagagga gancsiga xorta ah (free trade zone).

g

og

Rugta Ganacsiga & Warshadaha Soomaliya

Rugta Ganacsiga Puntland

Rugta Ganacsiga Jubbaland

Rugta Ganacsiga Banaadir

ABDI NASIR A. MOHAMED

Rugta Ganacsiga Konfur Galbeed

Rugta Ganacsiga Galmudug

 

 

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe