Taliska Ciidanka Xooga Soomaaliyeed ayaa maanta qaar kamid ah Saraakiisha Ciidanka qalabka sida qaybta 21aad ka qaadaya Imtixaan aqoon guud ah, kaasi oo lagu hubinayo aqoonta Saraakiisha, si loo kala saaro.
Qeybta koowaad ee Imtixaanka oo maanta ka dhacay xarunta taliska ciidamada xooga dalka qeybtooda 21aad ku leeyihiin magaalada Cadaado ayaa waxaa u fadhiistay Xidigle ilaa iyo Gaashaanle sare.
Guddiga loo xilsaaray in ay diyaariyaan Imtixaanka ayaa kor joogto ka ahaa goobaha uu Imtixaanka ka bilaawdey oo kala ah Dhamaanba Xeryaha Kala duwan ee Qaybtu ku leedahay Galmudug waxaana sidoo kale imtixaanka laga qaadayaa saraakiisha ku sugan jiidaha fog iyo furimaha hore ee gobolka mudug.
Ujjeedka Imtixaanka ayaa Taliska Ciidanka Xoogu waxa uu ku sheegay in la hubinayo Aqoonta Saraakiisha sare iyo kuwa hoose ee Ciidanka, si kii ay wax ka dhimman yihiin dhanka Qibradda loogu diro Koorso Ciidan oo dalka Gudahiisa ama dibadiisa ah.
Taliyaha Ciidanka Qaybta 21aad Gen claahi aadan Xuseen “Cirro” ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee Saraakiisha Ciidanka Imtixaanka looga qaadayey, isaggoo soo indho indheeyey sida ay u socdaan howlahaasi.
Qeybta Labaad ee Intixaanka ayaa dhawaan bilaaban doona, waxaa u fariisan doono Saraakiisha sare ee Ciidanka Qaybta 21aad.