Home Uncategorized Sawiro: Qarax lagu xiray gaari oo ka dhacay Muqdisho

Sawiro: Qarax lagu xiray gaari oo ka dhacay Muqdisho

100

Hal ruux oo ahaa wadihii gaariga ayaa ku dhintay kadib qarax lagu xiray gaari oo ka dhacay laami yaraha Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Gaarigaan oo ah nooca xabadda aysan karin, ayaa wararka waxa ay sheegayaan inuu leeyahay mid ka mid ah masuuliyiinta Dowladda Federalka Somaliya ka tirsan.

Lama oga meesha qaraxa looga xiray gaarigaan, balse Saraakiisha Ciidamada Booliska ayaa sheegaya inay wadaan baaritaanka ku aadan qaraxaasi.

Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa waxaa gaaray Ciidamada Booliska oo maydka marxuumka dhintay meesha ka qaaday.