Magaalada Guriceel gobolka Galgaduud ayaa lagu qabtay nin la sheegay inuu isku qarxin rabay goob ciidamo dhoolatus ku sameynayeen oo lagu xusayay ciidamadii ka dhintay Ahlu Sunna.
Ninka la qabtay ayaa la tilmaamay inuu watay jaakad waxyaabaha qarxa ku xiran yihiin islamarkaana uu isku dayay inuu isqarxiyo balse aysan u suurigalin sidaasina ay ku qabteen ciidamada amniga.


