Thursday, January 16, 2025
HomeWararSawiro:-Madaxwayne Gaas Oo Isbitaalka Ku booqday askartii ku dhaawacantay Dagaalkii Tukaraq

Sawiro:-Madaxwayne Gaas Oo Isbitaalka Ku booqday askartii ku dhaawacantay Dagaalkii Tukaraq

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxa uu isbitaalka guud ee magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland ku booqdey askartii ku dhaawacantay dagaalkii Tukaraq.

Madaxweynaha ayaa waxaa booqashada ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda maaliyadda, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wasiiru dowlaha Wasaardda Duulista iyo Hawada iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Dhaawaca ciidanka Puntland ee madaxweynaha Puntland uu ku booqdey isbitaalka ayaa waxaa ay ahaayeen ciidankii ku soo dhaawacmay iska hor imaadkii dhexmaray ciidamada Puntland iyo kuwa Soomaaliland.

Sidoo kale Gaas ayaa mid mid u booqday dhaawacyada ciidanka Puntland iyadoona Madaxweynuhu uu si naxaariis iyo masuuliyadi ku jirto ula-qayb saday dareenkiisa xaaladda ay ku jiraan, islamarkaana uu Alle uga baryey inuu u boogadhayo, caafimaad taamana Alle siiyo dhammaantood.

Dhinaca kale, Madaxweyne Gaas ayaa ku booriyey ciidanka dhaawaca ah in  ay waxyeeladani soo gaartay iyagoo difaacaya dalkooda iyo dadkoodaba, islamarahaantaana waxaa uu madaxweynu ku wargeliyey inay ku taagan yihiin wadada xaqa ah, difaafacayaana dadkooda iyo dalkooda.

Ugu danbeyn Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa saraakiisha isbitaalka  kula dar-darmay inay si gaara uga taxadaraan ciidanka Difaaca Puntland, ahmiyad gaarana siiyaana caafimaadkooda.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe