Sawiro:-Madaxwayne Farmaajo oo Kulan Laqaatay Madaxda Shirkadaha Ganacsiga iyo Dhaqaalaha Ee Dalka Shinaha

0
881

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Oo Booqasho Rasmi ah Kujooga Dalka shiina Kulamano Laqaatay Madaxda Dalka shiinaha ayaa Waxa uu Hada sidookale la kulmay madaxda shirkadaha ganacsi iyo kuwa dhaqaale ee dalka Shiinaha, kuwaas oo daneynaya in maalgashi ay ku sameystaan Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay dhamaan dadka daneynaya in ay maalgashi ku sameystaan Soomaaliya, taasi oo door weyn ka qaadaneysa in hormar la gaaro, islamarkaana deegaanka la maalgashado, maadaama ganacsiga Soomaaliya uu yahay mid furan.

Dhinaca kale Zhao Leji oo ah xubin sare oo ka tirsan Guddiga Siyaasadda ee Golaha Dhexe ee Xisbiga Hanti Wadaagga ee Shiinaha, ahna Xoghayaha Guddiga La dagaallanka Musuqa ee Xisbiga ayaa casho sharaf soo dhaweyn ah ugu sameeyay Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa Guriga Martida ee Diaoyutai State Guest House ee magaalada Bakiin (Beijing), sida uu sheegay Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta, Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaA�Cabdinuur Axmed Maxamed.

Madaxwayne Farmaajo oo Kusugan Dalka shiinaha ayaa Waxa uu wadadaa Dadaalo lagu doonayo in Laguxoojiyo Xiriirka Labada Dal Ee Soomaaliya iyo shiinaha oo Xirriitkoodu uu soobilawday Kahor 650sano laguna tilmaamo in ay Tahay soomaaliya Wadankii uhu Horeeyay Ee Afrikaana oo xiriir Layeesha Dalka shiinaha.

Madaxda Dalka Shiinaha ee uu Kulamada Laqaatay Madaxwaynaha Dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa waxa ay Muujiyiin Amaalka wayn Ee ay uhayaan Soomaaliya madaamada soomaaliya Sanadii 169-kii ay Kasoojeedisay Shir ay yeesheen QM In shiinuhu uu Xaq uleeyay in uu kamid noqdo QM Xili uusan Kamid ahayn Hadana uu Kamid noqday 5-ta Dal Ee Leh Codka Diidmada Qayaxan.

Shiinaha ayaa Kucilciliyay sida ay uga go,antahay Taageerada soomaaliya iyo in ay Maalgashiyo Kasameeyaan Soomaaliya.

Alaabta ugubadan Ee ay isticmaalaan Soomaalida ayaa Waxa ay Katimaadaa Dalka shiinaha Taasi oo muujinaysa in uusii Muuqdo Raadkii iskaashiga Ganacsi Ee Shiinaha iyo Soomaaliya ay Lahaayee.


LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here