Monday, May 25, 2026
HomeWararSAWIRO:-Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka oo korjoogto ka ah Doorashooyinka...

SAWIRO:-Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka oo korjoogto ka ah Doorashooyinka Nigeria

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey)  ayaa  korjoogta ka ah doorashooyinka Nigeria.

Ka sokow inay guddoomiyaha iyo wafdigeedu ay qeyb ka yihiin hawl galka Midowga Afrika ee korjoogteynaya doorashada dalka ugu dadka badan Afrika, waxaa sidoo kale arrintan guddoomiyaha iyo wafdigeeda ay u tahay fursad ay ku soo kororsadaan waaya aragnimo u fududeysa inay ka soo baxaan waajibka loo igmaday oo ah inay Soomaaliya ka hirgeliyaan doorasho qof iyo cod ah 2020-ka.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan  ee Doorashooyinka Qaranka ayaa sidoo kale ka qeyb-qaadaneysa daabulidda agabka doorashada, tababaridda hawl-wadeennada KMG ah ee goobaha cod-bixinta iyo sidoo kale wada-shaqeynta Guddiga iyo daneeyayaasha doorashadan.

Korjoogayaasha ayaa la filayaa inay warbixin dhameystiran kasoo saaraan markii ay Soo dhamaadaan doorashada ka socota Nigeria.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe