Cumar Xasan Al-Bashiir oo ah Hoggaamiyaha dalka suudaan ayaa kala diray Golaha xukuumadiisa,isaga oo sidoo kale ku dhawaaqay Xukun deg deg ah, kadib Go’aan rasmi ah oo uu gaaray.
Al-Bashiir ayaa sidoo kale waxa uu xilalkii ka xayuubiyay Guddoomiyeyaasha Gobolada,kadib khudbad uu ka jeediyay taleefishinka Qaranka suudaan,waxana uu durba Xubno ka tirsan laamaha amniga uu u magacaabay inay guddoomiyeyaal noqdaan.
Mudo todobaadyo ah ayaa dalka suudaan waxaa ka socday banaanbaxyo looga soo horjeedo Xukuumadda Al-Bashiir,kuwaas oo isugu soo baxay wadooyinka waaweyn ee dalkaas,hayeeshee Ciidamada Booliska dalkaas ayaa banaanbaxayaasha u adeegsaday Sunta dadka ka ilmaysiisa,iyaga oo kala eryay.

