Tuesday, March 18, 2025
HomeWararSAWIRO:-Farmaajo oo Xalinaya Khilaafka Labadda Aqal ee Baarlamaanka Somaliya

SAWIRO:-Farmaajo oo Xalinaya Khilaafka Labadda Aqal ee Baarlamaanka Somaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay ka qayb galay munaasabad casho sharaf ah oo lagu soo xirayay Kalfadhiga 4-aad ee Golaha Shacabka oo ka dhacday Madaxtooyada Qaranka.

Madaxweynaha ayaa Guddoonka iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka uga mahadceliyay shaqooyinkii ay qabteen intii uu socday Kalfadhigii 4-aad, isaga oo ka dhawaajiyay ansixinta sharciyo muhiim u ah ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in sannadkan cusub ay xukuumaddu xoogga saarayso dib-u-heshiisiinta ummadda Soomaaliyeed iyo xoreynta dhulka ay haystaan Alshabaab.

Madaxweynaha ayaa xusay inuu ka shaqayn doono xallinta khilaafka ka dhexeeya labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isaga oo sheegay in is-afgaranwaa kasta oo ka dhex dhasha shacabka Soomaaliyeed ay iyagu dhammaysan doonaan, oo aan loo baahnayn dhinac saddexaad oo soo farageliya arrimaha gudaha dalka.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe