Saturday, March 22, 2025
HomeWararSAWIRO:-Duqa Muqdisho Oo Lakulmay Safiirka Dawlada Masar u Fadhiya soomaaliya

SAWIRO:-Duqa Muqdisho Oo Lakulmay Safiirka Dawlada Masar u Fadhiya soomaaliya

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa Maanta Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku soo dhaweeyay Danjiraha Cusub ee Dowladda Masar u fadhin doona Dalkeena Soomaaliya.

Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo hadal Kooban ka jeediyay Munaasabadda Soo dhaweynta Danjire Mudane Maxamed Ibrahim  oo ah Safiirka Cusub Masar ee Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladda Masar ay uga mahad celinayaan Taageerada ay mar kasta siiso Soomaaliya.

“Waxaa maanta xafiiska iigu soo booqday Safiirka cusub ee dalka Masar Mudane Mohamed Ibrahim Nasr oo aan ka wadahadalnay mataaneynta Qaahira iyo Muqdisho iyo horumarka Caasimada”ayuu yiri Guddoomiye Yariisoow.

Danjire Maxamed Ibraahim Naasir ayaa sheegay dhankiisa inuu ku faraxsan yahay soo Booqashada Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar islamarkaana uu ku dadaali doono ka shaqeynta Xiriirka Shacabka Masar iyo kan Soomaaliya.

Safiirka cusub ee dalka Masar Mudane Mohamed Ibrahim Nasr waxaa booqashadiisa ku wehliyay Qunsulka Masar u fadhiya Soomaaliya Tamer  Safwat. El.mahdy.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe