Doorashada madaxweynaha dowlad goboleedkaA� Galmudug ee manta ka dhacday magaalada Cadaado ee xarunta baarlamanka Galmudug A�ayaa waxaa ku tartamay labo musharax oo kala ah Axmed Maxamuud Baasto iyo Cabdixakiin Cali Guure
Gudoomiyaha baarlamanka Galmudug Cali Gacal Casir oo ugu horeyn ka hadlay kulanka baarlamanka ayaa sheegay in ajandaha manta uu yahay doorashada madaxweynaha Galmudug islamarkaana ay fadhiyaan 64 xildhibaan
Inta aysan bilaaban codeynta ayaa labada musharax ee kala ah Axmed Maxamuud Baasto iyo Cabdixakiin Cali Guure waxay xildhibaanada ka hor aqriyeen qorshahooda waxqabad hadii loo doorto xilka madaxweynaha Galmudug
Khudba jeedinta musharixiinta kadib ayaa waxaa bilaabatay codeynta xildhibaanada iyadoona codbixintu ay aheyd qaab qarsoodi ah
Marka ay soo dhamaantay codeynta xildhibaanada ayaa waxaa bilaabatay tirinta codod iyadoona si rasmi ah natiijada ugu dhawaaqay gudoomiyaha baarlamanka Galmudug Cali Gacali Casir
Natiijada kadib ayaa goobta waxaa lagu dhaariyay madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Maxamuud Baasto
Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa sheegay in madaxweynaha cusub looga fadhiyo qabashada howlo badan
Ugu dambeyn ayaa goobta waxaaA� ka hadlay Axmed Maxamud Baasto madaxweynaha cusub Galmudug kaasi oo sheegay inuu ka shaqeynayo midnimada Galmudug

