Wednesday, January 22, 2025
HomeWararSawiro Dhismaha isbitaalka Degmada Baxdo oo meel wanaagsan maraya

Sawiro Dhismaha isbitaalka Degmada Baxdo oo meel wanaagsan maraya

Waxaa meel wanaagsan maraya dhismaha isbitaalka degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud isbitaalka ayaa ka kooban qeybo kala duwan.

Dadka deegaanka ayaa gacanta ku haya dhismaha isbitaalka waxayna la daalaa dhacayaa sidii loo dhameystiri lahaa.

Inkastoo socdo dhismaha misana dadka deegaanka ayay ku adkaatay inay dhameystiraan maadaama isbitaalku u baahan yahay dhaqaale aysan awoodin reer Baxdo.

Baxdo oo ay ku xiran yihiin tuulooyin badan ayaa laheyn isbitaal waxaana bukaanada loo qaadaa isbitaalka Cadaado balse hooyada foosha ah ayaa dhibaatooyin xoogan soo gaaraan maadama ku dhawaad 100 kiilo mitir uu burbur ah lagu qaado si loo geeyo isbitaalka Cadaado xiliga ay dhali weyso.

Hooyooyinka uurka leh qaarkood ayaa jidka ku dhinta iyagoo loo wado goob caafimaad.

Dhibaatooyinka caafimaad ee kajira deeganka ayaa Dadka Baxdo ku kalidtay inay bilaaban isbitaal aysan awoodin dhameystirkiisa hase yeeshee umadda Somaliyeee ayay ka rajeynayaa inay la dhameystiraan dhismaha isbitaalka

Walaal Caawi oo kawac +252615501550

 

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe