Wednesday, January 22, 2025
HomeWararFaahfaahinta Duqeyn Diyaaradeed Oo ka dhacday Hiiraan. coffee benefit

Faahfaahinta Duqeyn Diyaaradeed Oo ka dhacday Hiiraan. coffee benefit

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Gobolka Hiiraan, Diyaarado aan la aqoonsan ayaa shalay galinkii dambe waxaa ay duqeyn ka fuliyeen deegaan lagu magacaabo Jil-jileey oo18-KM u jiro tuulada Ceel-cali oo dhanka galbeed illaa 70-KM uga beegan magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegeen in ay maqleen ilaa 7 jeer jug xoogan iyo guuxa Diyaaradaha, intaasi kadibna ay dareemeen cabsi badan.

Ilo xog ogaal ah oo dhinaca Millitariga ayaa waxa ay sheegeen in Duqeyntan lala beegsaday Saldhig lagu tababaro xoogag ka tiran ururka Al-shabaab,  islamarkaana laga abaabulo weerarada uu ururka ka geysto Gobolada Hiiraan iyo Bakool.

Ma jirto xog rasmi ah oo laga helay khasaaraha ka dhashay duqeyntan iyo cida sida saxda u fulisay weerarkan, inkastoo loo badinayo Diyaaradaha Duqeyntan geystay in laga leeyahay dalka Mareykanka.

Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya deegaanka ayaa sheegaya in weli diyaaradaha ay ilaalo ka hayaan saldhiga ay bartilmaameedsadeen, si ay ula socdaan khasaaraha dhabta ah ee jira.

Madaxwenaha dalka Mareynkanka Donal Trump ayaa bishii April ee sanadkan saxiixay xaalad deg deg ah oo looga dan leeyahay in lagu kordhiyo weerarada dhanka cirka ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab, sidoo kalena lagu ciribtirayo kooxaha Burcad badeeda ee qatarta ku ah amniga marin biyoodka dalka.

https://holistickenko.com/green-tea-zen-superfood/

https://holistickenko.com/green-tea-zen-superfood/

coffee benefit

QORAALADA LA XIRIIRA

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe