Friday, December 5, 2025
HomeWararSawiro:-Culumada Gobolka Ohio oo Baaq ka soo saaray Colaada Gobolka Sool

Sawiro:-Culumada Gobolka Ohio oo Baaq ka soo saaray Colaada Gobolka Sool

Daladda Culumada gobolka Ohio ee Somali Islamic Centers Of Ohio (SICO) ayaa soo saaray Baaq Nabadeed oo ku aadan colaada gobolka Sool.

Waxay culumadu ku tilmaameen dagaalkaasi in uu yahay mid xaaraam ah isla markaana aan ka tarjumayn islaamnimada, dhaqanka, iyo aqlaaqda suuban midna.

Dadka deegaanka ayay ugu yeereen in ay si aan kala har lahayn ugu istaagaan soo afmeerida dhiiga daadanaya iyadoo laga cabsanayo musiibo aaqiro iyo mid aduunba.

Culumada ayaa dhinacyada dagaalamaya ugu baaqay inay wada hadlaan isla markaana ka waantoobaan in ay carruurtooda, Hantidooda, iyo naftoodaba ay ku haligaan dagaal wax natiijo ah oo ka soo baxayaaaysan jirin.

Garabyada ay dirirtu dhexmartay oo sida la sheegay ah dad wada dhashay waa musiibo aan indhaha laga qarsan karin loona baahnayn in ay dib u soo laabato ayay yiraahdeen culumada oo dhanka kale uga tacsiyeeyay dadkii ay ka dhinteen dadkii halkaasi lagu laayay kuwa dhaawaca ahna alle uga rajeeyay caafimaad.

Dowlada Soomaaliya ayay ka codsadeen in ay ka qeyb qaataan daminta colaada isla markaana fidiyaan gogol Nabadeed.

Waxay culumadu wax laga xumaado ku tilmaameen in dadka qaar ay dagaalkaasi ka hurinayaan dhanka baraha Bulshada (Social Media),taasina ay tahay wax laga xumaado iyaga oo ugu baaqay dadka Soomaaliyeed ee isticmaala baraha Bulshada in aysan u adeegsan daadinta dhiig walaalkood.

Ugu danbeeyn culumadu waxay u duceeyeen Dalka iyo Dadka iyaga oo alle uga baryay Nabad iyo xasilooni.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe