Home Warar Sawiro Ciidamo kala dhexgalay labo beelood oo ku dagaalamay Galgaduud

Sawiro Ciidamo kala dhexgalay labo beelood oo ku dagaalamay Galgaduud

871

Ciidamada xooga dalka qeybtooda 21 aad iyo ciidamada Nabad Sugida Qaranka qeybtooda Galmudug ayaa kala dhexgalay labo beelood oo ku dagaalamay deeganka Qalaanqale ee gobolka Galgaduud.

Labadan beelood oo dhowr jeer dagaal dhexmaray ayaa iska dilay tobanaan ruux waxayna iska dhaawaceen ku dhawaad 50 ruux.

Saraakiisha ciidamada ayaa labada beel ku amray in aan la arki karin qof wata qori iyo ciidan is aruursanaya.

Ciidamadan ayaa dagay goobihii ay ku dagaalamayeen labada maleeshiyo beelood waxaana labadii maalmood ee lasoo dhaafay dagan xaalada deeganka Qalaanqale ee gobolka Galgaduud.