Wednesday, June 17, 2026
HomeWararGudahaIsraa’iil oo qiratay in iskaashi ciidan oo qarsoodi ah uu muddo dheer...

Israa’iil oo qiratay in iskaashi ciidan oo qarsoodi ah uu muddo dheer kala dhexeeyay Somaliland

Wasiirka Gaashaandhigga Israa’iil, Israel Katz, ayaa sheegay in dalkiisu muddo dheer si qarsoodi ah ula lahaa Somaliland iskaashi dhinaca amniga iyo milateriga ah, isaga oo xusay in labada dhinac ay hadda doonayaan inay iskaashigaasi gaadhsiiyaan heer cusub.

Hadalka wasiirka ayaa yimid kadib kulan uu magaalada Qudus kula yeeshay Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo booqasho rasmi ah ku jooga Israa’iil. Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Katz, labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga amniga, xasilloonida gobolka iyo xidhiidhka istaraatiijiga ah ee u dhexeeya labada dhinac.

“Israa’iil iyo Somaliland waxay leeyihiin saaxiibtinimo soo jireen ah oo ku dhisan dano wadaag, qiyam dimuqraadi ah iyo ka go’naanshaha amniga iyo xasilloonida. Muddo dheer ayaanu si qarsoodi ah uga wada shaqaynaynay hawlo kala duwan,” ayuu yidhi Israel Katz, isaga oo intaas ku daray in Israa’iil ay ka go’an tahay inay iskaashiga amniga gaadhsiiso heerar cusub.

Dhanka kale, Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland, Xuseen Aadan Cige (Deyr), ayaa sheegay in Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiirka Gaashaandhigga Israa’iil ay ka wada hadleen arrimo istaraatiiji ah oo la xidhiidha amniga, xasilloonida gobolka, iskaashiga hay’adaha amniga iyo xoojinta xidhiidhka labada dhinac.

Hadaba, hadalka Israa’iil ee ku saabsan iskaashiga qarsoodiga ah ee ay la leedahay Somaliland ayaa kusoo beegmaya xilli warbaahinta Maraykanku ay daabaceen warbixino sheegaya in intii uu socday dagaalkii u dhexeeyay Israa’iil iyo Iran ay Israa’iil ka fulisay Somaliland hawlgallo amni iyo milatari oo qarsoodi ah, inkasta oo aan si madax-bannaan loo xaqiijin faahfaahinta sheegashooyinkaas.

Warbixinno kale ayaa hore u sheegay in Israa’iil ay Somaliland ka caawiso tababarka ciidamada iyo hay’adaha amniga, waxaana la filaya in iskaashi amni oo muuqda uu hadda kadib dhexmari doono labada dhinac.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe