Home Barnaamijyo Sawiro Alshabaab oo laayay Kenyaan badan

Sawiro Alshabaab oo laayay Kenyaan badan

139

8 qof oo lagu dilay weerar looga shakinsan yahay inay alshabaab gaysteen deegaanka Tuulada Wargaduuduu oo ka tirsan Ismaamulka Wajeer.

Madaxa Nabad galyada Ismaamulka Wajeer Lordfey kibara aya xaqiijiyey Dhimashada 8 qof oo Rayid ah iyo dhaawaca tiro kale, Wararka ayaa sheegay in Dilkan ay geysteen Koox looga shakisan yahay inay yihiin Dagaalyahano Ururka Alshabaab ka tirsan.

Buska Madina oo ay Gawaarida shacabku adeegsadaan isagana kala Goosha Magaalooyinka Mandheera iyo Nairobi ayaa ah kan la weeraray.

Xiisad kacsanaana ayaa ka jirta Deegaanka Kutulo wararka kale ayaa tibaaxaya in Kooxda weerarka geystay ay dadka kala Sooceen ka hor inta aysan dadka la layn.

Goobta shilku ka dhacay ayaa u dhaxaya Kutulo iyo Wargaduuda deegaanada la yiraahdo.