Friday, June 12, 2026
HomeBarnaamijyadaSargaal Sagaal sano katirsanaa Al Shabaab oo is dhiibay

Sargaal Sagaal sano katirsanaa Al Shabaab oo is dhiibay

Xubin tirsan Xarakada Al Shabaab oo lagu Magacaabo Ibraahim Manuur Cusmaan ayaa isku dhiibey Saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

Maaamulka degmada iyo Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay inuu hogaamiye ahaa ninkan mudo 9 sano ah ee uu katirsanaa Shabaab.

Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Maamulka Koofur Galbeed Shiine Mayow Aadan iyo Guddoomiyaha degmada Diinsoor ee Gobolka Baay Ibraahim Maxamed Nuur Shig-shigow ayaa si wadajir ah u sheegay in xiriir uu la soo sameeyay Horjoogahan,islamarkaana ay soo dhoweeyeen, Saraakiisha iyo maamulka degmadaasi.

Dhanka kale maamulka ayaa sheegay inuu Sarkaalkan hogaami jiray daagaalo kala duwan oo lagu soo qaadey Degmada Diinsoor iyo Deegaano Ka tirsan maamulka Koofur Galbeed.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe