Friday, March 29, 2024
HomeWararSacuudiga oo xiraya Dugsiyada Turkiga ku leeyahay dalkaas

Sacuudiga oo xiraya Dugsiyada Turkiga ku leeyahay dalkaas

Ilo Diplomaasi ayaa waxay sheegeen inay Dowladda Sacuudiga go’aansatay in la xiro Dugsiyada Tuurkishka ee ku yaalla gudaha Sacuudiga marka la gaaro dabayaaqada sanadkan 2021-ka.

Ilaa 8 Dugsiyada Turkiga (Turkish Schools) oo xiriir la leh Wasaradda Tacliinta Qaranka ayaa waxay ka hawl-galaan Caasimadda Sacuudiga ee Riyadh iyo Goballo kale, kuwaasi oo qorshuhu yahay in albaabada loo laabo dhamaadka sanadkan.

Wasaaradda Tacliinta Scuudiga waxay qoraalka Go’aankaasi si toos ah ugu gudbiyeen Dugsiyada ku yaalla Goblladda W/Galbeed Tabuuk, Riyadh, Taa’if iyo Jeddah.

Saraakiil Sacuudiyaan ayaa waxay kaloo booqdeen Dugsiyada Turkishka ee ku yaalla Goballadda Dammaam iyo Abha, si ay Maamulayaasha Dugsiyadaasi ugu wargeliyaan Go’aankaasi.

Dugsiyada Turkishka ee ka furan Goballadda Maka iyo Madiina ayaa waxaa iyagana saamayn doona Go’aankaasi.

Wasaaradda Tacliinta Sacuudiga waxay kaloo sheegtay in Dugsiyada Turkishka la xiri doono marka uu dhamaado sannad-dugsiyadeedka haatan socda.

Ilo Diplomaasi ayaa sheegay in 2,256 Arday oo dhigta Dugsiyadaasi oo aan si fiican u aqoonin Luqadda Carabiga ayaa la sheegay inay dhibaato kala kulmi doonaan haddii ay Tacliintooda ku sii wataan Manhajka la xiriira Wasaaradda Tacliinta ee Sacuudiga.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe