Home Warar faafaahin:Israsaaseyn khasaaro geystay oo ka dhacday Gobolka Galgaduud.

faafaahin:Israsaaseyn khasaaro geystay oo ka dhacday Gobolka Galgaduud.

31

Israsaaseynta oo geysatay khasaaro kala duwan ayaa waxaa ay xalay ka dhacday Deegaanka Xananbuure ee Gobalka Galgaduud, halkaas oo dhowr jeer ay ku dagaalameen labada maleeshiyo beeleed oo dhul isku heeysta.

Israsaaseynta ayaa waxaa timid kadib markii maleeshiyaad ku sugan degaanka ay rasaaseeyeen Gaari ay ka shakiyeen, waxaana kusoo baxay Ciidamo ka tirsan dowladda, kuwaas oo maleehsiyadka ku amray inay hubka dhiibaan balse ay diiden,waxaana taasi ay keentay in Cidamada dowladda iyo maleeshiyaadka nay dagaalamaan.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in israsaaseynta ay ku dhaawacmeen laba qof oo rayid ah, kuwaas oo kamid ah dadka degaanka, balse uusan jirin wax khasaaro ah oo soo gaaray labada dhinac ee dagaalamay.

Mid kam id ah dadka ku nool degaanka Xananbuure ayaa sheegay in qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka degaanka ay kusoo baxeen labada dhinac ee israsaaseeyay, isla markaana xaalada saaka ay tahay mid degan.

dhacday Deegaanka Xananbuure ee Gobalka Galgaduud ayaa dhowr jeer waxaa ka dhacay dagaal u dhaxeeyay laba Maleeshiyo Beeleed, kaas oo soo laab laabtay, hayeeshee dowladda Soomaaliya ay geysay Ciidamo kala dhex-galay maleeshiyaadkii dagaalamay.