Tuesday, April 28, 2026
HomeWararDibaddaSaameynta Fatahaadii Beledweyne ku yeelatay Dalagyada Beeraha iyo suuqyada Beledweyne{sawirro}

Saameynta Fatahaadii Beledweyne ku yeelatay Dalagyada Beeraha iyo suuqyada Beledweyne{sawirro}

Muddoyinkii ugu dambeeyey waxaa hoos u dhac uu ku yimid wax soo-saarkii beeraha ee dagaanada hirshabeele kadib markii ay saameeyeen ku yeesheen fatahaaddaha.

Hoos u dhacaasi ku yimid wax soo-saarka beeraha ayaa waxaa si weyn looga dareemayaa ganacsiga suuqyada magaalada baladweyne ee xarunta gobolka hiiraan .
Ahmed Abdullahi Mohammed {Tall man} waa qabiir dhanka beeraha ah waxaa uu ka hadlay dhibaatadii ka dhalatay fatahaadii ka dhacday magaalada baladwyne iyo saameynta ka dhalatay.

waxaana uu yiri Balkaas waa bal galey eh biyihii iyo xasharaad cayayaano iyo cimilada is badashay ayaa sababay si kasta oo loo waraabiyo sidaas ayay iska ahaanayaan dhibaatadaas ayaa ku dhacday dadka beeraleeyda ah ee kunool gobolka hiiraan ayuu yiri” .
siiba cimilada is badashay dalagyada qaarkood ma soo baxayaan xiligaan dabeel ah ayaa jirta dalaga meshii uu ka soo bixi lahaa caradaas dageeyso.

liintii xitaa waqtii oo aan lagaarin waa iska soo dhaceysaa xataa iyo seytuunka cules isbadal cimilo ayaa jiro.
liinta sifiican ayay u aashaa qiimaheduna waa uu jabanyahay beeraleyda caqabadaas ayaa hada haysta ayuu sii raaciyay hadalkiisa Ahmed Abdullahi Mohammed {Tall man}

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxay ka mid tahay goobaha fatahaaddaWebiga Shabeelle sameyn u geysato. Maaddaama ay Baladweyne dhulka ay ku taallo uu badkiisu hooseeyo uuna u nugul yahay fatahaadda wabiga.

Inta badan wabiga marka uu ku fataho magaalada wuxuu saameeyaa dhul beereed aad u badan iyo xaafado ka mid ah magaalada oo ay dadku ku nool yihiin.

“Marba haddiiba Itoobiya ay roobab fara badan ka da’aan waxa keli oo la fili karo iney tahay in fatahaadi ay ka dhalaneyso dhulka hoose ee ay wabiyadu maraan oo Somaalidu deggan tahay ama ha ku yaallo dalka Itoobiya ama midka Jamhuuriyadda Soomaaliya, saa daraaddeed ayey fatahaadaha caadi u yihiin magaalada Baladweyne, Buulo burde, Jowhar iyo meelo kale uu wabigu maro,”

W/D: Bashiir Abdulahi Osmaan

Baledweyne.Somaaliya

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe