Friday, June 19, 2026
HomeWararDibaddaRW Xamsa oo ugu baaqay culimada in ay doorkooda ka qaataan dib-u-heshiisiinta

RW Xamsa oo ugu baaqay culimada in ay doorkooda ka qaataan dib-u-heshiisiinta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Muqdisho maanta ka furay shir looga hadlayo Doorka Culimadu ay ku leeyihiin taaba-gelinta nabadda iyo dib-u-heshisiinta.

Ra’iisul Wasaaraha oo kulanka ka hadlay ayaa carrabka ku adkeeyey, “sida ay muhiim u tahay in aqoonyahannada Soomaaliyeed ay hormuud uga noqdaan difaaca dalka iyo dabargoynta fikradaha argagixisada,” sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Wasiirka koowaad ee Xukuumadda.

“Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa hoosta ka xariiqay in dhibaatooyinka kala duwan ee Soomaaliya dib u dhigay lagaga gudbi karo wadashaqeyn buuxda oo ay yeeshaan shacabka, culimada, indheer-garadka iyo dowladda, wuxuuna si gaar ah ugu baaqay culimadu in ay doorkooda ka qaataan dib-u-heshiisiinta, xasillinta, dowlad-dhiska iyo dhammeystirka dastuurka,” ayaa lagu sii yiri qoraalka ka soo baxay shirka.

Shirka oo ay soo qaban-qaabisay Xarunta Cilmi Baarista iyo Daraasaadka ee Maqaasid, ayaa waxaa ka soo qayb galay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yusuf Axmed, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda, culimo, Aqoonyahanka Soomaaliyeed iyo wufuud ka kala socotay dalalka Carabta iyo dowladdaha dariska ah.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe