Friday, June 19, 2026
HomeWararDibaddaFaafaahin:labo nin oo lagu dilay Magaalada Dhuusamareeb.

Faafaahin:labo nin oo lagu dilay Magaalada Dhuusamareeb.

Waxaa salaadii Maqrib kadib bartamaha magaalada Dhuusamareeb lagu dilay labo nin oo shacab ah, xilli uu magaalada Roob ka da’ayo.

Rag hubeysan ayaa labada nin ku dhex toogtay suuqa weyn ee magaalada Dhuusamareeb, waxayna ahaayeen ganacsato aad looga yaqiinay magaalada.

Dilkaan ayaa salka ku haya aano qabiil.

Ragga lagu dhex dilay magaalada Dhuusamareeb ayaa ahaa Saleebaan, waxaana dilay dabley la aaminsan yahay inay ka soo jeedaan beesha Cayr.

Raggii dilay labada nin ee Saleebaanka ah ayaa baxsaday, waxaana magaalada ka bilowday baaritaano culus oo lagu baacsanayo raggii dilka geystay.

Waxaa la’aaminsan yahay in dilkaan uu salka ku hayo aano-qabiil oo ka taagan deegaanka Xananboore oo waqooyi ka xiga magaalada Dhuusamareeb.

Dabley ka soo jeeda beesha Saleebaan ayaa shalay deegaanka Xananbuure ku dilay nin Cayr ah, iyagoo dhaawacay mid kale.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe