Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa marka hore  tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada iyo ummadda Soomaaliyeed ee ay ka baxeen Saraakiishii  iyo dadkii shacabka ahaa ee ku dhintay qarixii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.
RW Rooble waxaa uu sheegay in falkaas uu ahaa mid ka fog naxariista, diinta iyo dhaqanka suubban ee ummaddaaha Islaamka, isla markaana muhiim ay tahay in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah ururka Al-Shabaab.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in aysan niyad jebin doonin, sidoo kalena istaajineyn geeddiga shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ugu jiraan nabad waarta iyo qarannimo xoog leh.
Qaraxii ka dhacay shalay Gelinkii dambe ayaa waxaa inta la xaqiijiyay qaraxaasi ku dhintay 14 Ruux oo ay kujiraan Saddex Sarkaal oo ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya & duqii hore ee degmada Gaalkacyo qeybta Puntland Maxamuud Yaasiin Axmed (Tumeey).