Friday, April 18, 2025
HomeWararMareykanka oo Markab dagaal u soo diray Xeebaha Soomaaliya

Mareykanka oo Markab dagaal u soo diray Xeebaha Soomaaliya

Dowladda Mareykanka ayaa waxaa ay markab nooca dagaalka ah u soo direen Soomaaliya, kaas oo lagu magacaabo USS Hershel Woody, waxaana la sheegay in 24-kii Saacadood oo la soo dhaafay uu soo gaaray Biyaha Soomaaliya.

Markabkan ayaa waxaa la sheegay in uu ka qeyb ka qaadan doono sidii ay Soomaaliya uga bixi lahaayeen Ciidanka Mareykanka ee Ciidamada dowladda ka taageera dagalka lagula jiro Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan Taliska Ciidamada Mareykanka Afrika ee loo yaqaano (AFRCIOM) ayaa waxaa ay sheegeen in saddexda Todobaad ee soo socota gudahood Ciidamada Mareykanka laga daad gureyn doono Soomaaliya.

Qorshahaan Ciidamada mareykanka ka jooga Soomaaliya lagu qaadayo ayaa waxaa horay u shaaciyay Waaxda Difaaca Mareykanka, kadib Amar kasoo baxay madaxweynaha xilka kasii degaya ee Mareykanka Donald Trump.

Mareykanka ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga ilaa 700 Askari oo gacan ka geysta la dagaalanka Al-Shabaab, iyaga oo sidoo kale tababaro siiya Ciidamo ka tirsan dowladda, kuwaas oo mararka qaar howlgallo gaar ah fuliya.

QORAALADA LA XIRIIRA

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe