Ra’isalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay booqaday Qaar Kamida Isbitaalada Kuyaala Magaalada Muqdisho Ee Caasimada Dalka
Booqashada Ra’isalwasaare kheyre ayaa la xiriirtay la socodka xaaladda bukaannadii shalay ku dhaawacmay qaraxyadii ka dhacay Muqdisho.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maareynta musiibooyinka Oo Booqashada Kuwehlinayay Raysal Wasaare Khayre ayaa sheegay in ay tageen Isbitaallada Madiina, Digfeer iyo kuwo kale,ay Soo arkeen Xaalada Dadkii dhaawacyada ay Kasoogaareen Qaraxyadii Qasaaraha Gaystay Ee shalay Kadhacay Muqdisho Waxa uuna Balan Qaaday Wasiir Ku Xigeenka in Dadka Dhaawacyadooda Culisyihiin ay Dawlada Caawin doonto.
Qaraxyadii shalay ka dhacay Muqdisho waxaa ku geeriyooday dad ka badan 25 Qof,waxaana ku dhaawacmay dad gaaraya 40 kale.
Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda Qaraxyadaasi shalay ka dhacay Muqdisho Gaar ahaan agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya.