Tuesday, August 18, 2026
HomeWararDibaddaRa’isul Wasaare Xamse oo magacaabay Wasiirro cusub iyo Wasiir Fiqi oo laga...

Ra’isul Wasaare Xamse oo magacaabay Wasiirro cusub iyo Wasiir Fiqi oo laga dhigay …

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa saakay ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay wasiirro cusub oo kamid noqonaya Golaha Wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya.

Wasiiradda uu magacaabay Ra’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa isugu jira kuwa horey boosaskooda u bannaanaayeen iyo wasiirro cusub uu xilka ka qaaday una magacaabay xubno cusub oo beddelayo.

Axmed Macalin Fiqi wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa loo magacaabay in uu noqdo wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, halka booska wasiirka arrimaha gudaha loo magacaabay Cali Yuusuf Cali Xoosh.

Ra’isul Wasaaraha ayaa sidoo kale u magacaabay wasiirka cusub ee amniga Soomaaliya Senator General Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo kamid ah siyaasiyiinta caanka ah ee kasoo jeeda gobolka Gedo.

Xamse Barre ayaa sidoo kale u magacaabay Xildhibaan Cabdullaahi Bidhaan Warsame xilka wasiirka wasaarada Tamarta iyo Biyaha, halka Maxamed Aadan Macalin loo magacaabay wasiirka wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya.

Ugu dambeyn Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa u magacaabay mudane Axmed Cumar Maxamed wasiiru dowlaha wasaaradda Bay’adda iyo isbadalka cimilada.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe