Ra’isul wasaaraha xukuumadda federaalka mudane xasan cali Kheyre iyo wafdi balaaran oo uu hoggaaminaayo ayaa waxaa lagu wadaa in maanta ay socdaal ku tagaan Magaalo xeebeed-ka Hobyo ee Gobolka Mudug.
Ilo ku dhaw dhaw xafiiska Ra’isul wasaaraha ayaa ii xaqiijiyay in maanta galinka hore uu ra’isul wasaaraha ku wajahan Hobyo isgaoo halkaa u tagi doono munaasabadda xarig jarka Wadada isku-xirta Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Hobyo oo dib-udhis lagu sameeyay.
Wafdiga Ra’isul wasaaraha waxaa kamid ah xildhibaano golaha shacabka ka tirsan ee laga soo doortay deegaannada Galmudug wasiiro xukuumadda ka tirsan iyo safiirrada beesha caalamka qaarkood oo uu kamid yahay safiirka dowladda turkiga u fadhiya somalia.
Dekedda hobyo ayuu booqan doona ra’isul wasaaraha iyo xarumo kaloo muhiim ah mudada uu booqashada ku joogo magaallada hobyo ee gobolka Mudug.
Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay waxaana socota qaban qaabada loogu jiro soo dhaweynta wafdiga uu horkacaayo Ra’isul wasaaraha.