Monday, April 15, 2024
HomeWararRa’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo kulamo ka wada Dhuusamareeb

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo kulamo ka wada Dhuusamareeb

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaliya  Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay guddoomiyay shirka Golaha Wasiirrada Galmudug oo lagu qabtay Magaalada Dhuusamareeb.

Kulanka waxaa kaloo ka qeyb galay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo Wasiirrada Ra’iisul Wasaaraha ku wehliya safarkiisa.

Shirkan ayaa  diirradda lagu saaray wadashaqeynta, iskaashiga dowladda federaalka iyo Dowladda Goboleedka Galmudug ee  arrmaha amniga  dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Cabdixakiin Xasan Ashkir ayaa bixiyay faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ee Galmudug, waxaana uu sheegay in la dardaard gelinayo wada-shaqeynta Dowladda & Galmudug.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe