Thursday, April 18, 2024
HomeWararMaxkamadda Ciidamada oo Maanta xukun riday

Maxkamadda Ciidamada oo Maanta xukun riday

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta oo Arbaco ah waxaa ay xukun ku riday rag ka tirsan Ururka Al-Shabaab, kuwaas oo Maxkamaddu sheegtay in lagu helay dilalka Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Raggaan oo labo ah ayaa waxaa lagu kala Magacaabaa Cumar Aaadan Maxamed & cabdulle Axmed Muudey ayaa Xeer ilaalinta Maxkamadda ku eedeeysay in 13-kii Bishii November ee sanadkii 2019 ay siwadajir ah u dileen Cali Cabdulle Maxamed oo ka tirsanaa Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale raggaan ayaa Xeer ilaalinta Maxkamadda waxaa ay ku eedeysay dilka Cabdullaahi Axmed Hilowle oo ka tirsanaa Ciidamada ilaalada degaanka, hayeeshee ugu dambeyn laamaha Amniga ay gacanta ku dhigeen.

Guddoomiyaha maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali Shuute oo xukunka ku dhawaaqay ayaa sheegay in, kadib markii ay qirteen dilalka ay geysteen iyo markhaatiyaal ku cadeeyay lagu xukumay dil toogasho ah, isla markaana ay u furan tahay inay racfaan qaatan.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore waxaa ay xukuno isugu jira dil iyo Xabsi ku riday Rag ka tirsan Al-Shabaab iyo Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda, kuwaas oo lagu eedeeyay dilal iyo dambiyo kale.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe