Sunday, April 19, 2026
HomeWararGudahaRa'iisal wasaare ku xigeenka dalka oo guddoomiyey shir looga hadlayey sidii shaqaalaha...

Ra’iisal wasaare ku xigeenka dalka oo guddoomiyey shir looga hadlayey sidii shaqaalaha dowladdu dagaalka ay uga qayb qaadan lahaayeen

Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa guddoomiyey kulanka agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha iyo maareyeyaasha hay’adaha dowladda oo looga hadlay dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah.
Kulanka ayaa daba socda go’aankii Golaha Wasiirrada ee la xiriiray in hay’adaha dowladdu ay doorkooda ka qaataan dagaalka dalka looga ciribtirayo argagixisada, waxaana Ra’iisul wasaare  ku xigeenku faray agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha iyo maareyeyaasha hay’adaha dowladda in ay ku abaabulaan shaqaalaha si af iyo addinba ay uga qeyb qaataan dagaalka lagu ciribtirayo argagixisada.
Ra’iisul wasaare ku xigeenka oo ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray dagaalka lagula jiro cadowga, ayaa xusay in maanta la joogo dhammaadkii Khawaarijta, waddada kaliya ee guushan lagu sii xaqiijin karana ay tahay midnimo iyo wadajir ummadeed.
QORAALADA LA XIRIIRA

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe