Monday, June 29, 2026
HomeWararGudahaQoysaskii ugu badnaa ee bakaraca dagaalka Baladxaawo oo gaaray magaalada Mandheera

Qoysaskii ugu badnaa ee bakaraca dagaalka Baladxaawo oo gaaray magaalada Mandheera

Waxaa aad u sii kordhaya qoysaska ka barakacaya magaalada Baladxaawo ee isaga cararaya dagaalada culus ee u dhaxeeya ciidamada dowladda Fedaraalka iyo kuwa maamulka Jubbaland.

Warbaahinta magaalada Mandheera ayaa baahisay in saacadahii lasoo dhaafay  magaaladaasi ay gaareen ku dhawaad 200 oo qoys oo ka barakacay Baladxaawo, kuwaas oo u badan haween, caruur iyo dad waayeelo ah.

Dadkani ka barakacay guryahoodii ku yaalay degmada Baladxaawo ayaa warbaahinta u sheegay qaarkood iney guryahooda uga soo carareen cabsi la xariirto iney dhibaato ka soo gaarto rasaasta iyo hubka culus oo is weedaarsanayaan labada dhinac.

Qaar ka mid ah barakacayaashan ayaa laga dajiyey iskuulo ku yaala Mandheera oo loo bedelay xeryo ku meel gaar ah, halka kuwa kalena ay la dageen eheladoodii horey ugu sugnaa magaalada Mandheera.

Masuuliyiinta maamulka Mandheera ayaa bilaabay diiwaangelinta barakacayaasha si loo gaarsiiyo gargaar deg deg ah, iyagoona xusay in xaalada qoysaskan ku sugan yihiin ay tahay mid bani’aadanimo oo aad u cakiran.

Dadka ku barakacay dagaalada ka socda labadii todobaad ee lasoo dhaafay degmada Baladxaawo ayaa waxaa isku biirsaday dhibaatooyin dhanka nolosha ah oo ay ka mid yihiin, hoyi la’aan, Cunto yari iyo Biyo la’aan aad u daran.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe