Dowladda Kenya ayaa markii ugu horeeysay ka hadashay masaafurinta Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid, iyadoo ku eedeysay inuu watay dukumentiyo Kenyan ah oo si sharci darro ah uu ku helay.
War ay soo saareen hay’adaha ammaanka Kenya ayaa lagu sheegay in Jibriil Cabdirashiid lagu tuhunsan yahay inuu ku lug lahaa dadaallo lagu qalqal gelinayo amniga deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya iyo Kenya.
Dowladda Kenya waxay sidoo kale ku eedeysay inuu hub u daabulay mid ka mid ah magaalooyinka xadka, isaga oo la sheegay inuu qorsheynayay in hubkaas lagu taageero maleeshiyaad beeleed, arrintaas oo ay sheegtay inay khatar ku tahay nabadgelyada iyo maamulka deegaanka.
Sidoo kale, Kenya waxay ku sheegtay bayaankeeda in Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya lala xiriirinayo iska horimaadyadii hubeysnaa ee dhowaan ka dhacay magaalada Baydhabo, kuwaas oo sababay dhimashada dad rayid ah iyo barakaca boqolaal qoys.
Mas’uuliyiinta Kenya ayaa sheegay in dadaallo ay sameeyeen siyaasiyiin Kenyan ah oo lagu doonayay in lagu joojiyo masaafurinta aysan miro dhalin.
Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ama Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo ay kaga jawaabayaan eedeymaha ay dowladda Kenya soo bandhigtay.

