Saturday, March 22, 2025
HomeWararQof Ku Geeriyooday Magaalada Garoowe Ka Dib Markii La Karantiilay

Qof Ku Geeriyooday Magaalada Garoowe Ka Dib Markii La Karantiilay

Waxaa maanta magaalada Garowe lagu aasay qof kamid ahaa dadkii looga shakisanaa cudurka Coronavirus, kaasoo xalay ku geeriyooday xarun lagu karantiilo dadka laga helo calaamadaha cudurka oo dhawaan laga hirgaliyay Garowe.

Waxaa maydkiisa galbinayay shaqaalaha caafimaadka oo xiran dharka iyo qalabka looga gaashaanto cudurka.

Wasaaradda caafimaadka Puntland weli kiiskaan si cad ugama aysan hadlin, balse qoraal kooban oo ay soo sartay waxay ku beenisay inuu jiro wax kiis ah oo cudurka Coronavirus ah.

Waxaa kale oo ay sheegtay inay sharciga la tiigsandoonto dadka wararka been abuurka ah ka faafiya cudurka.

“Iskusoo wada duuboo, waxaa kaliya ee ay Puntland ku beenin karto ama ku xaqiijin karto jiritaanka cudurkaan waa marka uu soo baxo natiijada baaritaanka lagu sameeyay dadka la karantiilay ee uu ku jiray qofka geeriyooday” ayaa lagu yiri qoraalka.

Magaaladda Garawe ayaa Maalin ka hor wax ay dowladda Soomaaliya gaarsiiday qalabka looga hortago Covid-19 ee wadamada Afrikaan ah ugu deeqay Maal qabeenka u dhashay Shiinaha ee lagu magacaabo Jack Ma.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe