Home Warar QM oo si kulul u Cambaareysay Qaraxii lala beegsaday Shaqaalihii Turkiga

QM oo si kulul u Cambaareysay Qaraxii lala beegsaday Shaqaalihii Turkiga

119

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay Qaraxii is-miidaaminta ah ee shalay ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho ee lala eegtay Ciidamo ka tirsan dowladda iyo Injieero Turki ah oo ku sugnaa deegaanka Lafoole.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Somalia ayaa waxaa lagu sheegay inay aad uga xun yihiin weerarkaas lagu qaaday Injineero dhisayay wadada xiriirisa Muqdisho iyo degmada Afgooye, iyagoo falkaas ku tilmaamay inuu ahaa mid fool xun.
Qaramada Midoobay ayaa tacsi u dirtay dadkii ku geeriyooday qaraxaas ka dhacay deegaanka Lafoole, isla markaana kuwii dhaawacamay Caafimaad deg deg ah u rajeeysay, waxaana ay sheegeen inay aad uga murugeysanyihiin weerarkaas.
“Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay aad uga xumaadeen kana “murugeysanyihiin falkii foosha xumaa ee argagixisadu maanta ku beegsatay shaqaale isugu jiray Soomaali iyo Turki, kuwaas oo ka shaqeynayay mashruuc muhiim u ah kaabayaasha dhaqaalaha dalka oo faa’iido u ah dhammaan ummadda Soomaaliyeed” ayuu yiri Qoraalka kasoo baxay Qaramada Midoobay.
Ugu yaraan Afar qof oo mid kamid ah uu yahay Muwaadin Turki ah ayaaa ku geeriyooday qaraxii ka dhacay duleedka Muqdisho, halka 5 qof kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana Mas’uuliyadiisa sheegtay Al-shabaab.