Qaramada Midoobey ayaa markale war kasoo saartay tilaabadii dowladda Soomaaliya ay dalka kaga caryrisay Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Haysom, waxaana ay sheegtay in aysan wax saameyn ah ku yeelan doonaan doonin howlaha loo qorsheeyay Soomaaliya sanadkaan.
“Golaha Ammaanka wuxuu aad uga xunyahay go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee la xiriiray Wakiilkii Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Haysom’ Wuxuuse xaqiijinayaa xushmenyta madax bannaanida Soomaaliya iyo wadajirka dhuleed iyaga oo dhiirrigeliyay in lasii dardargeliyo wada shaqeynta heer kaste ee sanadkan adag ee 2019” ayaa lagu yiri War kasoo baxay Qaramada Midoobey.
Guterres ayaa ka hor bayaankiisa saddex mar oo uu taleefonka kula hadlay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabduallaahi Farmaajo ku guul-darreystay inuu ka dhaadhiciyo inuu ka laabto go’aanka lagu eryey Haysom.
Qaramada Midoobey waxa ay sheegtay howlaha gargaarka la sii wadi doono sanadkaan 2019-ka, islamarkaana Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey ay yeelan doonaan wada shaqeyn buuxda.

