Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xalay ka dhacay qaybo kamid ah degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.
Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay maqaaxi ku taalla xaafadda Kaawa Godey ee degmadaasi, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.
Wararka ayaa sheegaya in xilligaasi ay maqaaxida ku sugnaayeen askar ka tirsan ciidamada dowladda oo la sheegay inay ku qayilayeen halkaasi.
Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxan ku dhintay ugu yaraan 1 askari, ayada oo ay ku dhaawacmeen saddex kale oo ka mid ahaa askarta ky sugneyd goobta.
Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyay xaafadda Kaawa Godey ee magaalada Muqdisho.
Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo maamulka degmada Dharkenley oo ku aadan qaraxaas iyo howlgalka xigay.
Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxaana ay shaaca ka qaaday inay dishay, kuna dhaawacday askar ka tirsanaa ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya.
Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana si caadi kusoo laabtay dhaq-dhaqaaqa meesha uu qaraxu ka dhacay oo ay ku yaallaan goobo kale oo ganacsi.
Qaraxaan ayaa qayb ka noqonayo qaraxyo kale oo horay uga dhacay Zoobe, kuwaas oo illaa iyo hadda sameyntooda laga dareemo waddadaas, maadaama ay dad badan ku dhinteen, kuwa kalen ay ku dhaawacmeen, dhismayaal badana ay ku burbureen hakaasi.
Si kastaba, qaraxan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maalin kahor ay kooxda Al-Shabaab weerar toos ah ay ku qaaday guri ku yaal degmada Cabdicasiis, kaas oo lagu daaweynayay dhaawacyada qaar kamid ah ciidamada Macawiisley ee kusoo dhaawacmay gobolka Hiiraan.