Tuesday, May 26, 2026
HomeWararQarax khasaaro geystay oo ka dhacay Magaalada Beledweyne

Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Magaalada Beledweyne

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay inta badan Xaafadaha Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa uu ka dhex dhacay Saldhiga Ciidamada Booliska ku leeyihiin Xaafada howlwadaag ee Magaalada Beledweyne.

Goobjoogayaal ayaa Risaala u sheegeen in qaraxa uu ka dhashay Gaari Cabdi Bile ah oo ay leeyihiin Ciidamada Booliska oo lagu xiray, waxaana ku dhaawacmay laba askari, iyada oo qeyb kamid ah Gaariga uu burburay.

Saraakiisha Ciidamada Booliska Beledweyne ilaa hadda wax war ah kama soo saarin qaraxa lagu xiray Gaari ay leeyihiin, hayeeshee ay sheegeen inay dib ka faah faahin doonaan.

Ciidamada Booliska Beledweyne ayaa qaraxa kadib howlgallo ka sameeyay Aaga Saldhiga ay ku leeyihiin Xaafada howlwadaag in  kastoo aysan jirin dad lagu soo qabtay howlgalladaas.

Magaalada Beledweyne ayaa Bishii hore waxaa ka dhacay laba qarax oo Ismiidaamin ahaa, kuwaas oo lagu dilay Saraakiil Ciidan, mas’uuliyiin katirsanaa Maamulka Hir-Shabeelle, Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi iyo dad Shacab ahaa.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe