Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan Qarax Gaari oo saakay ka dhacay degmada Waabari, gaar ahaan Xaafadda Unicef.
Sidda ay Risaala u xaqiijiyeen dadka degaanka gaariga Qaraxa lagu xiray ayaa waxaa lahaa wiil dhalinyaro ah oo dowladda u shaqeeya, waxaana ka shakiyay ciidamada Ammaanka,waxaana ay dadka ku wargeliyeen in ay goobta ka fogaadaan, laakiin gaariga ayaa durba qarxay intii dadka goobta laga celinaayay.
Inta la xaqiijiyay waxaa ku dhaawacmay Qaraxaasi labo ruux oo la sheegay in mid uu yahay taliye ku xigeenka Ciidamada Nabadsuggidda degmada Waabari.