Thursday, October 22, 2026
HomeWararGudahaQaramada Midoobay oo ka digtay in daadad laga cabsi qabo Soomaaliya ay...

Qaramada Midoobay oo ka digtay in daadad laga cabsi qabo Soomaaliya ay barakicin karaan in ka badan 800,000 oo qof

Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in daadad ka dhasha roobab xooggan oo la filayo bilaha soo socda ay Soomaaliya ku barakicin karaan in ka badan 800,000 oo qof, xilli dalka uu wajahayo xilli roobaad la saadaalinayo inuu ka xoog badnaado heerarka caadiga ah.

Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ayaa sheegtay in qiyaaso cusub oo ay soo saartay, iyadoo kaashanaysa Golaha Qaxootiga Denmark, ay muujinayaan in 874,319 qof ay halis ugu jiraan barakac inta u dhexeysa bilaha Oktoobar iyo Diseembar 2026. Qiyaastan ayaa tilmaamaysa in daadadku sabab u noqon karaan 92% barakaca la saadaaliyay.

Digniintan ayaa timid iyadoo la filayo in xaaladda cimiladu ay kasii darto saameynta ifafaalaha El Niño, kaas oo lala xiriirinayo isbeddello ku yimaadda roobabka iyo khatarta fatahaadaha qaybo ka mid ah Geeska Afrika.

Manuel Marques Pereira, oo ah madaxa howlgalka IOM ee Soomaaliya, ayaa sheegay in ay jirto suurtagalnimada in boqollaal kun oo qof ay guryahooda ku waayaan muddo toddobaadyo gudahood ah.

Waxa uu xusay in qoysas badan oo halista wajahaya ay horey u soo mareen barakac, isla markaana ay hadda haystaan dhaqaale iyo agab aad u kooban oo ay ku maareeyaan xaalad kale oo degdeg ah.

IOM ayaa sheegtay in weli ay jirto fursad lagu yareyn karo saameynta daadadka, balse ay lagama maarmaan tahay in si degdeg ah loo helo dhaqaale lagu taageero dadka halista ku jira, laguna caawiyo ilaalinta guryahooda iyo ilaha nolol-maalmeedkooda, iyo in loo raro goobaha ammaan ah marka loo baahdo.

Hay’addu waxay sheegtay inay heshay oo keliya 14% lacagta ay u baahan tahay, taas oo dhan 16.62 milyan oo doollar, si ay ugu diyaar garowdo daadadka la xiriira El Niño ugana jawaabto saameyntooda.

Digniinta Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale tilmaamaysa in astaamaha ugu horreeya ee fatahaaduhu ay durba soo baxayaan, iyadoo heerarka webiyadu ku dhowaanayaan meelaha fatahaaddu ka bilaabato, halka roobab xooggan ay waxyeello u geysteen guryo qaarkood.

Marka laga soo tago barakaca, daadadka ayaa halis ku ah beeraha iyo dalagyada, waxayna wasakheyn karaan ilaha biyaha, sidoo kalena go’doomin karaan bulshooyinka ku nool meelaha ay saameeyaan fatahaaduhu, taas oo adkeyn karta helitaanka adeegyada aasaasiga ah.

Hay’adda saadaasha hawada ee Qaramada Midoobay ayaa iyaduna ka digtay in ifafaalaha El Niño ee hadda jira uu noqon karo mid aan hore loo arag marka loo eego xooggiisa.

Mas’uuliyiinta Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay in Soomaaliya iyo dalalka deriska la ah ee Itoobiya iyo Kenya ay si degdeg ah u helaan sahayda iyo taageerada loo baahan yahay ka hor inta aysan bilaaban roobabka culus ee la saadaaliyay.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe