Ku-simaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, ahna Madaxweyne ku-Xigeenka Maamulkaas Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Maanta Shir deg deg ah la qaatay Xubnaha Golaha Wasiirada Puntland.
Shirka ayaa waxaa looga arinsanayay xaaladda ka dhalatay duufaanta GATI oo ku dhufatay deegaan xeebeedka Gobolada Bari, Karkaar iyo Gardafu, isla markaana khasaaro nafeed iyo mid hantiyadeed geysatay.
Golaha Wasiirada Puntland ayaa aad u gorfeyay xaalada Saddexda gobol ee Puntland oo roobka duufaanta wata uu ka da’ay iyo sida laga yeelayo maadaama khasaaro nafeed uu ka dhashay.
Ku-simaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, ahna Madaxweyne ku-Xigeenka Maamulkaas Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa amray in si deg deg ah wafdi loogu diro degaannada Roobka & duufaanta ku dhufatay, isla markaana loo gurmado Bulshada ku nool.
Inta la xaqiiyey Lix  kalluumeysato Yemeniyiin ah ayaa ku geeriyotyay, 4 qof oo kalena waa ku dhaawacmeen degmada Xaafuun ee gobolka Karkaar, guryo badan ayaa ku  dumay, iyada oo isgaariinta degaannadaas ay hawada ka maqan tahay.