Monday, May 11, 2026
HomeWararPuntland oo sheegtay inay dhibaato ku qabto soo qabashada maleeshiyaadka dilalka geysta

Puntland oo sheegtay inay dhibaato ku qabto soo qabashada maleeshiyaadka dilalka geysta

Iyada oo degaano badan oo katirsan Gobolka Mudug ay ka dhacayaan dilal la xiriira aanooyin qabiil iyo colaad beeleedyo ayaa Maamulka gobolka Mudug ee Puntland uu sheegay inay dhibaato ku qabaan soo qabashada dadka dilalka geysta.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Faysal Sheikh Cali ayaa sheegay in dadka dilalka geysta ay hoosgalaan markii la baadi goobo maleeshiyaad hubeysan taas oo uu sheegay inay ku adkaato soo qabashadooda.

Guddoomiyaha oo hadal ka jeedinayay kulan lagu dhex-dhexaadinayay laba maleeshiyo beeleed oo ka dhacay Magalada Bursaalax ayaa sheegay in hadii ay isku dayaan inay si awood ah dadkaasi kusoo qabtaan ay dagaal kala kulmayaan maleeshiyo Beeleedyada, taasina ay kordhin karto khasaaraha ka dhalan kara.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Faysal Sheikh Cali ayaa ugu baaqay odayaasha Dhaqanka & waxgaradka Gobolka Mudug inay kaalintooda ka qaataan xal ka gaarista colaad beeleedyada iyo soo qabashada dadka dilalka aanoyinka qabiil geysta.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe