Madaxweynaha Indonesia Joko Widodo oo ka hadlay Shirka G20 ee maanta ka furmay Bali ayaa soo hadal qaaday muhiimadda uu leeyahay joojinta dagaalka aafada Dunida ku noqday ee Ruushka ku qaaday Ukraine.
Madaxweyne Joko Widodo si toos ah uma adeegsan Ruushka balse waxa uu muujiyay tilmaamo caddeynaya in biya-dhaca warkiisa uu yahay in Moscow dagaalka ay ku qaaday Kyiv uu saameyn taban dunida ku reebi kara haddii uu sii socdo.
“Waa in aan Dusha saaranaa mas’uuliyad lagu joojin karo dagaalka aafada dunida ku noqon kara sii socoshadiisa, G20 waa in uu abuuraa xalka ku habboon ee lagu damin karo xiisadaha taagan si loo badbaadiyo dunida inteeda kale” Joko Widodo.
Indonesia waxa ay xiriir wanaagsan la leedahay Dalalka Ruushka & Ukraine, waa tan keentay in Madaxweynaha Dalkaas Joko Widodo uu afkiisa ka ilaaliyay adeegsiga ereyo dhaawac ku keeni kara cilaaqaadka kala dhaxeeya.
Ruushka ayaa duullaan ku qaaday Ukraine 24kii Febaraayo 2022, dagaalkaas waxaa ka dhashay Dhimasho, dhaawac, Barakac & sare u kac ku yimid Ganacsiga halka hoos u dhac weyn uu ku yimid gargaarkii laga iibin jiray Kyiv ee loo qaado waddamada kaalmada u baahan.

