Xubnaha musharixiinta Madaxweynaha ayaa dhawaan qoraal ay soo saareen waxaa ay ugu baaqeen Madaxweynayaasha Puntland & Jubbaland inay ka laabtaan xubnaha guddiyada doorashooyinka Heer Federaal oo  ay soo u soo gudbiyeen dowladda Soomaaliya , hayeeshee Puntland ayaa la sheegay inay shuruud ku xirtay ka laabashada Xubnahaas.
Xubnaha Guddiyada doorashooyinka oo ay musharixiinta dooda ka keeneen ay puntland soo gudbisay ayaa gaaraya Afar Xubnood, kuwaas oo ay kamid yihiin Agaasime kuxigeenka Madaxtooyada & Lataliyaha Madaxweyne Deni.
Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in puntland ay ku xirtay inay bedeleyso Xubnaha guddiyada doorashooyinka  shuruud ah inay dhinacooda bedelaan Dowladda federaalka & Dowlad goboleedyada.
Jubbaland ayaa dhankeeda weli wax jawaab ah ka bixin dalabkii Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya, kuwaas oo siwyen u qaadacay Xubnaha guddiyada doorashooyinka oo ay sheegeen in laga soo xulay Hay’adda NISA & Shaqaalaha Dowladda Soomaaliya.