Ciidamada Booliska ee Maamul Gobaleedka Puntland ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dilka dhakhtar Sakariye Cabdi Jaamac, kaas oo aano qabiil loogu dilay goobtiisa caafimaad oo ku taal Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Gado.
Sarkaal ka tirsan booliska maamul gobaleedka Puntland oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay weli wadaan baaritaanka, isaga oo sii sheegay in ay aqoonsadeen dadka ku eedeysan dilka.
Eedeysaneyaasha oo sidoo kale kasoo muuqday muuqaal ay duubtay kaamirada Isbitaalka ayay boolisku ku sheegeen in ay yihiin shan, walow laamaha amniga maamulka Puntland aysan gacanta ku soo dhigin weli.
Dilka oo ka dhacay Waqooyiga Gaalkacyo habeenimadii sabtida ayaa walaac ku abuuray dadka deegaanka, iyaga oo ay qaarkood isaga carareen magaalada cabsi ay ka qabaan in loo waxyeeleeyo aano qabiil.
Dhaqaatiirta ka howrlgala goobaha caafimaadka Magaalada Gaallkacyo ayaa dilka kaddib waxa ay billaabeen shaqo joojin socon doonta 3 maalin, waxaana hadda xiran dhamaan goobaha caafimaadka ee magaalada Gaalkacyo.
Dr Sakariye Cabdi Jaamac ayaa ahaa aabe 4 carruur ah lahaa isla markaana ka baxay Jaamacadda Plasma ee magaalada Muqdisho ku taalla. Kadibna waxa uu dib ugh laabtay degaanka Puntland oo uu asal ahaan ka soo jeeday.

