Sunday, July 19, 2026
HomeWararDibaddaATMIS oo bayaan kasoo saartay shaqaaqo dhimasho sababtay oo ka dhacday xerada...

ATMIS oo bayaan kasoo saartay shaqaaqo dhimasho sababtay oo ka dhacday xerada Xalane{AKHRISO}

Howlgalka ATMIS ayaa war saxaafadeed kasoo saaray shaqaaqo sababtay dhimasho, taasoo axadii ka dhacday halka loo yaqaano Madiino Gate oo ah illinka hore ee xerada Xalane.

Ciidamada ATMIS ayaa toogasho ku dilay nin dhallinyaro ah oo ay sheegeen inuu doonayay inuu si xoog ah ku galo xarunta Xalane, iyagoo sheegay ka hor inta aan la toogan inuu tooreey ku dhaawacay askari ATMIS ah oo hor- istaagay oo ilaalo ka ahaa albaabka Xalane.

ATMIS waxay sheegtay in dhacdadaan baaritaankeeda ay la kaashanayaan ciidamada ammaanka Dowladda federalka Soomaaliya.

Waxay sheegeen inay ka go’an tahay inay hubiyaan bed qabka iyo ammaanka shaqaalaha iyo sidoo kale dhammaan shaqsiyaadka sida joogtada usoo booqda xerada Xalane.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe